Marka (INO)-Barakac xoogana ayaa laga soo sheegayaa Xafaado ka tirsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in barakaca uu ka bilowday xaafadda Buulo Jaan kadib markii shalay tiro dad rayid ah halkaas lagu dilay.
Xiisadda ka taagan Magaalada Marka ayaa salka ku heysa dagaal Beeleedyo indhawaanahaan ka aloosnaa Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaa arrinta la is weydiinayo tahay waxa weli xal loogu la’yahay xallinta Dagaal Beeleedyada Gobolka Shabeelaha Hoose oo nolosha dad badan Gallaaftay.