Bandhigga wax-soorka Soomaalida oo Dubai lagu soo gabagabeeyay.

0
223

Magaalada Dubai, ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir seddax maalin ka socday kaasoo looga hadlaayay wax soo saarka Soomaalida iyo sidda loo iib geyn karo suuqyada caalamka.

Waxsoosaarka soomaaliya

Shirka oo ay soo qaban qaabiyeen hey’addo ay ka mid tahay FAO, waxaa ay ku sugnaa ganacsato caalami ah, diplomaasiyiin iyo ganacsato Soomaali ah, sidoo kale waxaa joogay madax ka socotay maamulada ka dhisan Soomaaliya.

Intii shirka uu socday waxaa lagu soo bandhigay wax yaabaha Soomaalida ay soo saaraan sidda marka badda laga hadlo kalluunka, marka beeraha muuska iyo khudaarta kale iyo xoolaha oo Soomaalida ay caan ku tahay.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday bal sidda ugu haboon ee suuqyada caalamka loogu iib gayn karo wax yaabaha Soomaalida ay caan ku tahay.

Akhristow sidee u aragtaa bandhigani?

Idale News Online, Dubia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here