Dhageyso:Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Jubba Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo

0
209

Garbahaarey (INO) –– Boqolaal Ruux ayaa Maanta oo Talaado ah ka dhigay qeybo kamid ah Gobolka Gedo Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo  Madaxweynaha Maamulka Jubba.

Teaser Image Banaanbax looga soo horjeedo Axmed Madoobe oo ka dhacay G/Gedo {Dhageyso}

Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa ah Meesha sida aadka ah uga dhacay Banaanbaxa, waxaana Wadooyiga Magaaladaasi lagu gubay Calanka Maamulka Jubba.

Halkan Ka Dhageyso.

“Dooni meyno Maamulka Jubba, Dooni Meyno Maamul Qabiil, waxaana doonaynaa Dowladnimo iyo Hogaan dhexdhaxaad ah” ayaa kamid ahaa Hal-ku-dhigyada ay adeegsanayeen Dibadbaxayaasha.

Iskuulada & Goobaha Ganacsiga Degmada Garbahaarey & Deegaanada ku dhow ayaa Maanta la xiray, waxaana dadka ay si wadajir ah uga qeyb qaateen Banaanbaxa ballaaran ee ka dhanka ah Axmed Madoobe.

Shacabka ku nool Gobolka Gedo & Madaxdooda ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay Go’aankii dhawaan ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ku kala eryeen Xildhibaanada Maamulka Jubba.

Idale News Online – Garbahaarey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here