Dibad bax kooban oo ay ka qeyb galeen haween sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu dalbanayo in Sheekh Xasan Dahir lagu soo taago Maxkamad ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Jidka Maka Al-Mukarama.
Dibad baxan ayaan la ogeyn cida sida dhabta ah u soo qaban qaabisay, hase ahaatee waxaa uu jawaab u ahaa banaan bax maalin ka hor ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaasoo looga soo horjeeday xariga Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaabkii loola dhaqmay odayaashii keentay Muqdisho.
Haween ka mid ah dadkii boorarka sitay ayaa ku eedeysay in Xasan Dahir ka dambeeyo dhibaatooyinka dalka ka dhacay, sida barakaca shacabka iyo qaraxyada, iyadoo codsatay in Maxkamad la soo taago.
Qaar ka mid ah haweenkii watay boorarka ay ku qornaayeen halku dhigyada ka dhanka ah Sheekh Xasan Dahir ayaa ku qeylinayay, “Soomaaliya waxay u baahan tahay cadaalad Maxkamadeed, aynu ka gudubno Qabiil una midoowno Cadawgenna, Xasan Daahirm waxaa uu dilay Wiilasheenii, Walaalaheenii, iyo Odoyaasheenii iyo Gabdhaheenii”
Maalmo ka hor ayay aheyd markii dadweyne mudaaharadaayay ay ku qeyla dhaamiyeen in Xasan Dahir dowladda sii deyso, isla markaana la soo dhoweeyo Hogaamiyeyaasha Shabaab ee isu soo dhiibayay, iyadoo ujeedada banaan baxyadan ay salka ku heyso arrimo qabiil inkastoo aanay jirin cid ka hadashay dibadbaxyadan iska soo horjeeday.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Dahir uu ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana la weydiinayo su’aalooyin la xiriira howlihii uu ku guda jiray, inkastoo aanu Sheekha wali saxaafada la hadlin.
Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay banaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday Ciidamada Kenya, kaasoo lagu waday in Muqdisho ka dhaco, waxaana la arkayay ciidamo ka tirsan dowladda oo wadooyinka taagnaa, kuwaasoo u diyaarsanaa inay joojiyaan dibad baxyada ka dhanka ah Kenya ee Muqdisho laga qorsheynayay.