Sarkaal ka tirsan Ciidamada Militariga Dowladda Fedaraalka, ayaa sheegay in ay qaarijiyeen Horjoogihii ugu sareeyay Amniyaatka Kooxda Al shabaab ee Gobolka Bakool.
“Cali Dagaqey iyo Maleeshiyaad kale oo isaga Illaalo u ahayd, ayaan ku dilnay Weerarka qorsheysanaa. Ujeedka waxa uu ahaa inaan soo qabano, balse kadib markii uu isku dayay inuu Iska-caabin ku sameeyo Ciidamada Dowladda ayaa la toogtay,” ayuu yiri Col. C/raxmaan Tima Cade.
Cali Dagaqey waxa uu ahaa Ninka hogaamiya Amniyaatka Madax Jebiska u qaabilsan Kooxda Al Shabaab ee Gobolka Bakool, waxaana lagu qaarijiyay Weerar Gaadmo ah oo Xalay 8:00 p.m. ay Ciidamada DFS ay ku qaadeen Guriga uu ka deganaa Deegaanka Deegaanka Daba-gadiir.
Col. C/raxmaan Tima Cade, ayaa sheegay in Weerarka lagu dilay Cali Dagaqey uu ka danbeeyay kadib markii sida uu sheegay Xog ay ka heleen Xubno iyaga la shaqeeya oo ku dhex jira Kooxda Al shabaab.
Wararka Madaxa Banaan ee ay heshay Keydmedia Online, ayaa sheegaya in Horjoogaha la dilay, uu horey ugu gowracay Sheekh Caan ahaa Bishii March 19, 2013 Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Idale News Online, Xudur.