Muqdisho(INO)— Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh mooshin laga keenay darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda, kaasoo Xildhibaanada ay ka keeneen mooshin ku aadan darbigaas iyo in Kenya ay ku soo xadgudbeyso madaxa banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta oo Sabti ah ka doodayaan mooshin laga keenay darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
“Maanta waxaa jira kulankii Baarlamaanka, waxaa ajanduhu yahay mooshinka darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda, Xildhibaanada mooshinkaas ayaa loo qeybinayaa, waana ay ka doodayaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Sidoo kale waxaa uu xusay in kulanka oo maanta uu shir guddoomin doono Guddoomiye Jawaari looga hadli doono sharciyada xuduudaha, isla markaana Xildhibaanada ay diiradda saari doonaan dooda la xiriirta darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda oo arrimo amni awgeed uga dhiseyso.
Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay inay xuduuda ka dhiseyso darbi ay kaga gaashamanto weerarada uga imaanaya Al-Shabaab, waxaana darbigan ay ka dhiseysa xuduuda Beledxaawo, hase ahaatee waxaa jira dood ku saabsan in Kenya ay soo gashay sohdinta dhinaca Beledxaawo uu kala wadaago Mandhera.
Idale News Online, Muqdisho