Baarlamaanka Soomaaliya oo Kawaanka saaraaya Wasiirada Xukuumadii Saacid ka tirsanaa.

0
188

Muqdisho:Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu go’aamiyay in maalinimada Talaadada ee soo socoto, codka kalsoonida loo qaado dhamaan Wasiirada Xukuumadii Saacid.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah in la soo celiyo Wasiirada Xukuumadii hore, iyadoo maanta ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka doodeen.

Xildhibaanada, ayaa waxay markale si weyn ugu kala qaybsamayn mooshinka laga keenay Wasiirada hore, waxayna qaarkood qabaan in la soo celin karo, halka qaarka kalana ay qabaan inaan la soo celin karin.

50 Xildhibaano oo ka kala tirsan Xildhibaanada ku kala aragtiyada duwan mooshinkaasi, ayaa waxay maanta ka wada doodeen mooshinkaasi, waxaana loo balamiyay in ay maalinta Talaadadaay codka kalsoonida u qaadaan.

Haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyaan in la soo celiyo, ayaa waxaa markaasi suurta-geli doonto in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu ku soo darsan karo Golahiisa Wasiirada.

Haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay kahor yimaadaan in la soo celiyo, ayaa waxay markaasi culeys ku keeni doontaa asxaabta Madaxweynaha Soomaaliya, in ay markale iska dhex arkaan Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Idale News Online