Baarlamaanka Kenya oo diidey in si qasab ah loo celiyo Qaxootiga Soomaalida

0
247

Nairobi(INO)-Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in aysan aqbali doonin si dhab ah dalka Kenya looga raro kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ka soo qaxay dalka Soomaaliya, kuwaas oo mudo dheer joogay gudaha dalka Kenya.

kenya-brawl_3142377a

Afhayeenka baarlamaanka Kenya oo lahadlayay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in ay maqleen warka ka soo baxay Xukuumada Kenya, ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne kuxigeenku, isla markaasna ay uarkaan talaabo aan sharciyad ku fadhiyin.

Ekwe Ethura afhayeenka baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ay xurmeyn doonaan heshiisyadii ay gashay Kenya sannadyada hore, ee ahaa kan Xaquuqda Qaxootiga.

Afhayeenka golaha Senate-ka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay Kenya ka mid tahay Midowga Africa iyo Qaramada Midowbay, ayna saxiixday heshiiska Qaxootiga caalamiga ah, ayna muhiimad uweyn utahay joogitaanka Qaxootigan.

Mar la weydiiyey arrimaha amaanka iyo khataraha ku aadan Qaxootiga ayuu sheegay in aysan umuuqan sabab loo beegsado Qaxootiga, bacdamaa ay jiraan dhalinyaro badan oo Kenyaan ah kana soo tababartay dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here