Howgallo ballaaran ayaa Saakay waxey ka socdaan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool kadib markii Shalay Maqaaxi ku taal Degmadaasi uu ka dhacay Qaraxa Khasaara Nafeed sababay.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalladooda waxaa ay ku baarayaan Xaafado ka tirsan Degmada Waajid gaar ahaan halka uu Qaraxa gil gilay Iyadoona sidoo kale Guryaha laga baarayo hadii ay ku jiraan Walxaha Qarxa.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Howlgalladan ay yihiin ku lagu sugayo amaanka oo kaliya islamarkaana looga hortagyo Falalka amaan darri iyo Qorshaha ay Al Shabaab damacsan yihiin.
Waxaa sidoo kale Saraakiishan ay xuseen in Baaritaanada ay socdaan islamarkaana aan wali jirin Cod loo soo qab qabtay Qaraxii Shalay oo ay ku dhinteen Ilaa iyo 5 Ruux.
Ugu dambeyn, Saraakiisha Maamulka Degmada Waajid ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkii Shalay ka dhacay Maqaaxi ku taala Degmada Waajid ee Gobolka Bakoo.
Idale News online, Waajid.