Baaritaan lagu sameenayo Dagaalkii Gobolka Shabellaha Hoose.

0
183

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameenayaan warar soo baxaya oo sheegaya in dagaaladii kasocday Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka qeyb qaateen Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya.


Xildhibaanada-Baarlamaanka
Xildhibaan C/naasir Gaarane ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameenayaan warar aan la hubin oo sheegaya in dagaalka kasocday Gobolka Sh/Hoose ay ku lug lahaayeen Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan heyn cadeyn rasmi ah oo muujineysa in dagaalka Sh/Hoose ka dhacay ay ku lug lahaayeen Ciidanka Dowlada Soomaaliya balse ay xaqiiqda soo bixi doonto marka ay baaritaanka sameeyaan.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Gaarane hadii ay dhacdo in Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay ku lug yeeshaan Dagaalka Sh/Hoose in xildhibaanada Gobolkaasi ay qaadi doonaan tilaabo ay kula xisaabtamayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyo beeleedyadii ku dagaalamay Magaalada Marka iyo Deegaano oo hoostaga ayaa la sheegay in dagaalkooda ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo labada dhinac qaab beeleed ula saftay.

 

Idale News Online, Muqdisho.