Madaxwaynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo heshiiska Dowlada Soomaaliya iyo Jubaland kala saxiixdeen .
Waxa uu sheegay in u mahad celinayo Dowladaha IGAD uu tilmamay in kaalin wayn ka qaateen in meel la iskugu yimaado waxa uuna tilmaamay in heshiiskaa labada dhinac ay gaareen soo dhawaynayo dhinacooda Jubaland.
Madaxwayne Axmed Madoobe oo ayaaa xusay in hirgalinta heshiiskaaa labada dhinac ay gaareen ka danbeeyay kadib markii tanasulaad labada dhinac ah la sameeyay waxa uuna sheegay in ergadii shirkaa ka soo qayb galay ugu mahad celinayo go,aankaa ugu danbayntii la wada gaaray.
Madaxwaynaha Jubaland waxa uu sheegay in dhamaan Qodobadii la isla meel dhigay ay yahiin kuwa dhaxal gal ah waxa uuna tilmaamay in dhinacooda heshiiskaa meel marin doonaan.
Axmed Madoobe waxauu xusay in muda lix bilood gudahoodah Dowlada Soomaaliya ku wareejin doonaan Maamulka Dakadda Kismaayo iyo Garoonka diyaaradaha kaa oo hore Maamuka Jubaland u diidanaa hayeeshee Dowlada ayaa gudi u soo saari doonta Maamulka la wareega oo ka yimaada Maamulka Jubaland.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili habeen hore heshiis wada saxiixdeen DowladaSoomaaliya iyo Maamulka Jubland oo muda sanad ah khilaaf soo jiitamayay ka dhaxeeyay.
Idale News Muqdisho