Daawo: Axmed Madoobe oo Nairobi shir Jaraa’id kaga hadley wada hadal dhex marey isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheikh iyo xaalada Kismaayo ka aloosan

0
169

Axmed Maxamed Islaam “Modoobe” oo kulan wareed ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku adaan dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo iyo xiriirka maamulka Jubbaland kala dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dagaalada ka dhacay Kismaayo waxaa uu ku eedeyay in ay ka dambeeyso dowlada federaalka Soomaaliya, gaar ahaan sida uu hadalka udhigay wasiirka gaashaandhiga Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

“dagaaladii ka dhacay Kismaayo waxaa soo qaaday ciidamo qabiileed ay soo abaabushay dowlada iyo Al Shabaab oo iyana aan tuhmayo in dagalaada ay soo galeen,waxaan jabinay dhamaan kooxahii nala dagaalamayay”sidaas waxaa yiri Axmed Madoobe.

Maamulka  Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id uu ku qabtey magaalada Nairobi oo uu haatan booqasho ku joogey kaga hadley arrimo ay ka mid yihiin kulankii ay wada qaateen madaxweyne Xasan Sheikh, iyo weliba dagaalkii ka dhacey magaalada Kismaayo,

Sheikh Axmed Madoobe ayaa sheegey in maamulkiisa uu yahay kan xaqda ah ee ka jira Kismaayo, ayna gacan adag iyo hub ka dhigis ku sameyn doonaan dhamaan qeybaha kale ee hubeysan ee ku sugan magaalada Kismaayo waa sida uu hadalka u dhigaye

Axmed Madoobe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in uu tanaasulaad ka sameyn doono sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland.


“Waan taageersanahay dowlada dhexe lakiin waa in ay ogolaato maamulka Jubbaland,waayo dhaqaalo badan ayaa inooga baxay”Madoobe ayaa shirkiisa jaraa’id ka yiri.

Waxaa uu sidookale sheegay in madaxweyne Xasan shiikh oo ay ku kulmeen Nairobi, ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso arrinta Jubbaland ayna isku raaceen in khilaafaadka lagu xaliyo shirka lagu wado in uu Muqdisho ka dhaco dhawaan.

Hadalkan Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalo dad ay ku dhinteen kuwoo kalana ay ku dhawacmeen ay kasoconayaan magaalada Kismaayo, iyadoona dowlada Soomaaliya ay cambaareysay dagaaladaasi.