Kismaayo(ino)- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah lamaanaha doonaya in ay isu guursadaan Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo la hadlaayay shacabka reer Kismaayo, ayaa sheegay in uu mamnuuc yahay in arooska iyo aroosadda, ay adeegsadaan wax ka badan laba gaari, kolks la gelbinayo.
“Waa mamnuuc qofku hadduu aroos gelayo baabuurka uu islaanta ku qaadanayo iyo hal gaari oo daba socdo ka badan inuu isticmaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha, ayaa waxaa uu hay’adaha ammaanka uu ku amray in ay qaataan awaamiirtan, isla-markaana ay soo qabtaan aroos kastaa oo lagu gelbinayo wax ka badan laba baabuur.
“Hay’adaha amniga ha qaateen arooska boqolka baabuur lees daba gelinayo inaan la qaadan karin, ee weliba xilliga Salaadda Maqrib lagu aadinayo, ee xabadahana laga ridayo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa soo hadalqaaday in mar ay xabsiga u taxaabeen lamaane, xilli lagu gelbinaayay gaadiid fara-badan, isagoo intaa ku daray in aan hadda ka dib la xiri doonin laamaha is guursanaya oo qura, balse ay sidoo kale soo xiri doonaan waalidiintooda.
“Hadda ka hor waan xirnay gabadha iyo wiilkii arooska ahaaba, hadda waxay noqonaysaa sodohda iyo sodogana in lagu soo daro labada dhinacba, haddii ay xabado dhacaan ama qaab kale loo dhaqmo.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe, ayaa intaa ku daray “War sodoha-ha ha xirina, sodohdii iyo sodogii oo la xira dee waxba kuuma yaalaan, waad garanaysaa.”
Dadka badankii, ayaa wax wanaagsan u arka in la yareeyo gaadiidka faraha badan ee aroosyada lagu gelbiyo, ha yeeshee waxay wax layaab lihi u arkaan in la xiri waalidoonta lamaanayaasha, inkastoo Maamulka Jubbaland uu taasi ku yarenayo gawaarida badan.