caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlada Muqdisho ayaa sheegay inuu jiro guddiga adeega Garsoorka, iminkana aan loo baahneyn in mar kale la soo magacaabo Guddigaasi.
Ilka Xanaf ayaa sheegay in Guddigaan uu jiro uuna ka mid yahay isaga iyo Xeer ilaaliyaha Guud, laakiin hada aysan muuqan baahi ama sabab keeni karta in Guddigaan la soo magacaabo.
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Muqdisho wuxuu sheegay inuusan jirin meel Dastuurka uu kaga qoran yahay in Wasiirka Cadaalada uu soo faragashto arrimaha Garsoorka ama uu soo magacabo Gudiga adeega Garsoorka.
Ilko Xanaf wuxuu cadeeyay inay kala duwan tahay shaqada saddexda hay’adood ee tiirka u ah dowladnimada, sidaas awgeedna aan loo baahneyn inay hay’ad faragashato shaqada hay’ad kale.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay 30-kii bisha June hindise-sharciyeedka magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka, kaas oo xukuumadda u fasaxaya inay isbeddel ku sameyn karto maamulka adeegga garsoorka iyo hoggaanka maxkamadaha.
Idale News Online, Muqdisho.