Augustine Mahiga oo ka digey in kuraasta barlamaanka suuq madow noqdaan

0
281

Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegey in aysan Qaramada Midoobey aqbali karin in xubnaha barlamaanka cusub ay noqdaan badeecad lacag la isku dhaafsado, ayna la socdaan dhaqdhaqaaqa masuuliyiinta dowladana ay doonayaan in ay lacag ku furdaanshaan in xildhibaanada ay wataan.

Xaaladu dalka Somalia ku sugan waqtiga xaadirka ayuu sheegey in loo baahan yahay dowlad sal adag iyo barlamaan haysta kalsoonida beeshiisa . waxuuna ku tilmaamey in soo xulista barlamaan tayo leh  oo danaha dalkooda ka shaqeeya ay sharaf u tahay odeyaasha dhaqanka, haddiise aysan sidaas yeelin ay waayi doonaan sharafkii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

Sidoo kale, waxa kale oo uu ka dhawaajiyey arrin xaqiiq ah oo dadka soomaaliyeed ay horey uga wada dheregsanaayeen oo ah in ka mid ahaanshaha barlamaanka Somalia laga dhigto shaqo, balse cida ka mid noqoneysa ay la timaadaa shaqo adag  si dalka uu uga gudbo xaalada uu haatan ku sugan yahay, isagoo sheegey in xildhibaanada cusub ay  tahay iney u hogaansami doonaan sharuucda dalka.

Ma ogolaan doono in kuraashta Barlamaanka cusub ee Somalia ay noqdaan badeeco si suuq madow ah lagu kala iibsado, hadba qofkii lacag badan la siiyo mudnaanta kuraastaas helo. ha ogaadeen in aan hadda baadi goob ugu jirno sharafkii uu dalka Soomaaliya lahaa burburka Somalia ka hor ayuu ku yiri war-qoraal ah oo uu Danjire Mahiga soo saarey“.

Sidoo kale, waxa uu ergiga gaar ah ee Somalia sheegey in qofkii noqonaaya barlamaanka ay tahay in lagu soo xulo aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, , isagaa sheegey in musharaxiinta dumarka ay u nugul yihiin in aysan tartanka soo gali karin sababo la xiriira ineysan haysan dhaqaale ay howshooda ku fudaamiyaaan. taasna ay tahay  cadaalad daro horseedi karta degaanaan la’aan siyaasadeed.

Gunaanadkii qoraalkiisa ayuu ku sheegey in muddo aad u yar ay ka harsan tahay in la helo dowlad cusub oo bedesha mida hadda jirta, soo gudbinta xubnaha barlamaankuna loo baahan yahay in la dedejiyo, waxuuna sheegey in Tignoolojiyadaan casriga ah in aysan jiri doonin meel lagu dhuuman karo, taasoo aan la garan karin waxa uu ula jeedey ayuu qoraalka hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Qoraalka Ergiga gaarka ah  ayaa ku soo beegmaya  xili ay jiraan cabasho ka soo yeereysa siyaasiyiinta, isqabqabsi beelaha dhexdooda ah iyo masuqmaasuq baahsan oo laga soo sheegaayo odey-dhaqameedyada iyo madaxda sare ee dowlada, kuwaasoo loolan adag ugu jira in loo soo magacaabo siyaasiyiin ay jaalka yihiin si ay u helaan codadka  ku filan marka doorashada la gaaro.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho