Aqriso: Magacyada iyo Jagooyinka Wasiirada cusub ee Dalka Itoobiya oo la Meel-mariyay

0
184

Addis(INO) — Baarlamaanka dalka Itoobiya, ayaa meel-mariyay Wasiirada Cusub ee Itoobiya oo RW Hailemariam uu isku shaandheynta ku sameeyay, Wasirradan oo magacaabidooda ay imaanayso iyadoo waddankaas dhawaan la geliyay xaalad Deg-deg ah.

Wasiirrada Cusub ee Dalka Itoobiya oo ka kooban 21 Wasiir, ayaa Waxaa ku jira Wasiirro cusub, iyadoo xilalkii laga qaaday wasiirro xulufo la ahaa RW dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, kuwaasoo uu ku jiro Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom.

Sidoo kale, Isku-shaandheynta ayaa waxaa loo arkaa in Dowladda Itoobiya ay ku doonayso inay wax uga qabato cabashooyinka loosoo jeedinayay tan iyo Sannadkii hore, Markaas oo ay billowdeen bannaanbaxyada rabshadaha wata.

Haddaba, Golaha Wasiirrada Cusub ee Waddanka Itoobiya ayaa Waxay ka mid ah;

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen
    02. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu
    03. Wasiirka Gaashaandhigga, Siraj Fegessa
    04. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Debretsion Gebremichael
    05. Wasiirka Warshadaha, Ahmed Abitew
    06. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaaha, Abdulfetah Abdulah
    07. Wasiirka Maaiiyadda, Dr. Abreham Tekeste
    08. Wasiirka Ganacsiga, Dr. Bekele Bulado
    09. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Prof. Fekadu Beyene
    10. Wasiirka Beeraha iyo Khayraadka, Eyasu Abrha
    11. Wasiirka Gaadiidka, Ahmed Shide
    12. Wsiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Ristu Yirdaw
    13. Wasiirka Dhismaha, Injneerad Aisha Mohammed
    14. Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada, Dr. Sileshi Bekele
    15. Wasiirka Shidaalka, Motuma Mekassa
    16. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Dr. Gemedo Dale
    17. Wasiirka Waxbarashada, Dr. Shiferaw Tekelemariam
    18. Wasiirka Caafimaadka, Prof. Yifru Berhane
    19. Wasiirka Haweenka iyo Carruurta, Demitu Hambissa
    20. Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda, Dr. Negeri Lencho

Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan in Wasiirradan Cusub ay ku jiraan xubno Soomaali ah, kuwaasoo loo magacaaay Wasaarado muhim ah, iyadoo Golaha cusub ee Wasiirrada ay ka mid yihiin; xubno ka tirsan Axsaabta Mucaaradka Itoobiya.