Aqriso: Madaxweynaha Galmuudg oo hakiyay Howlihii Labada Gole ee Maamulkiisa

0
176

Cadaado(INO)- Sida lagu sheegay Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Galmudug ayaa muddada ay socoto doorashada dadban ee Federaalka Soomaaliya gebi ahaan la joojiyey hawlihii kale ee hay’adaha Maamulka Galmudug.

Go’aankan uu qaatay Madaxweyne Guuleed  ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo kamid kuwa ku nool deegaanada Galmudug oo garan waayey sababta dhamaan hawlihii maamulka Galmudug loogu joojiyey doorashada dhaceysa darteed.

Horaantii bishii September ayuu maamulka Galmudug ogolaaday in amniga magaalada Cadaado lagu wareejiyo ciidamada AMISOM xiliga ay doorashada dhaceyso, Cadaado oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug ayaa kamid ah goobaha la doonayo inay ka dhacaan codbixinta lagu soo dooranayo Xildhibaanada Golayaasha Federaalka Soomaaliya.

Galmudug Waa maamulkii u horeeyey ee hay’adihiisa albaabada u laaba “Government shutdown”muddo aan la cayimin inta ay gaareyso, waxaana dadku is-weydiinayaa waxa isaga xiran Doorashooyinka iyo shaqaalaha maamulkaas, taas oo su’aal gelin karta daahfurnaanta iyo shaqada maamulka.

Qaar kamid ah shacabka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug culeys uu ka haystey Baarlamaanka Galmudug oo laba jeer uu baaqdey kalfadhigiisi kaas oo doonaayey in ay la xisaabtamaan maamulka, sababtaasna wareegtada loo soo saarey oo Baarlamaanka la raaciyey dhamaan hay’adihii kale.

wareegto