Aqriso: DFS oo soo saartay warqad lid ku ah Musharaxiin gaar ah oo Muqdisho ku soo fool leh

0
203

Muqdsho(INO)— Iyadoo dhowaan la filayo inay dalka ka dhacaan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya cadaadisyo iyo culeys la saarayo Musharaxiinta qaar, gaar ahaan kuwooda miisaanka leh, kadib markii maanta Warqad ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Warqada ka soo baxay Maamula Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid lid ku ah Musharaxiinta dalka dibadiisa ku sugan ee lagu wado in maalmaha soo socda yimaadaan Muqdisho, waxayna tani tahay mid loogu hor-istaagayo dhoolatuskooda Ololaha Doorashada.

Warqad ay heshay Jowhar.com oo ka soo baxday ayaa waxaa xanibaad gaar ah lagu soo rogay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, in aysan Garoonka soo geli karin muddo 60 cisho.

Go’aankan ka soo baxay Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka ayaa ah mid lid ku ah Musharaxiinta dalka imaanaya ee doonaya in taageerayaashooda ku soo dhoweeyaan Garoonka, taasoo ah mid caburin ah iyo in indhaha Warbaahinta laga xiro dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo ololaha ay wadaan Musharaxiinta.

Arrinta muuqata inay is khilaafayaan Go’aanada Madaxweynaha ee sida is-daba jooga ah maalmahan uga soo baxayay ee ku saabsanaa in la dhowro nidaamka doorashada iyo ilaalinta xuquuqda musharixiinta ay leeyihiin iyo warqadan maanta ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha.

Warqadan maanta ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha ayaa ku soo aadeysa, xilli olole ballaaran laga dareemayo Muqdisho iyo dhoolatusyo ay sameynayaan taageerayaasha Labada Musharax ee kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalmaha soo socda ku soo fool leh Muqdisho.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Warqada ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha ee lagu mamnuucay in Warbaahinta aanay muddo 60 maalmood soo geli karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

warqad-garoon