Muqdisho(INO) – Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta dood dheer iyo falanqeyn kadib magacaabay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka.
Kulanka xildhibaannada baarlamaanka oo ka dhacay xarunta gollaha shacabka ayaa looga dhawaaqay gudi ka kooban 15 xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha oo ay ka dhax muuqadaan xildhibaano hore iyo kuwa cusub intaba ayaa lagu soo xulay nidaamka ay dowlada ku dhisan tahay ee 4.5.
Cismaan Cilmi Boqorre guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in guddigaasi laga sugayo in ay ka shaqeeyaan doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, guddiga ayaa looga fadhiyaa in ay shaaciyaan waqtiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.