Aqoonyahano ku baaqey in si shuruud la’aan ahi loo joojiyo dagaalada ka socda Degmada Wanleweyn(Daafeet).

0
227

Waxa isa soo taraaya baaqyada culculus ee kasoo yeeraya Aqoonyahanada iyo wax garadka kasoo jeeda gobalka shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada Walanweyn (Daafeet) oo beryahaan amaankeeda noqdey mid faraha ka baxay.

Kaahiye Dhuubow , Axmed Buux iyo Cabdiraxmaan Laal oo ka wada mid ah Aqoonyahanada kasoo jeeda Degmada Daafeet ee gobalka sh.hoose ayaa baaq cod dheer ugu diray ciidamada ku dagaalamaaya maatida korkooda iyo gudaha Walanweyn iney si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalada udhaxeeya ciidamada dowlada ee ku wada sugan Daafeet.

Aqoonyahanada ayaa hadalkooda ku daray in ay dowlada Federalka wax ka qabato dhibaatada Ciidamada dowlada ku haayaan gobalka sh.hoose ugana baaqey iney ciidamadii dhawaan tagay Daafeet ee qaska ka wada deegaanka ay dib usoo celiso.

Hadalka Aqoonyahanada ayaa kusoo beegmaya xili labadii maalin ee lasoo dhaafay ay dagaalo qaraar kasoo cusboonaadeen degmada Walanweyn (Daafeet) taasi ka dambeeyaan ciidamadii dhawaan gaaray Magaalada oo huriyay dagaalo cusub.

reer daafeet

Idale News  Online,

isha: Somaligazette.com