Khartum:Dhamaan aqoonyahada iyo jaaliyada kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed soomaliya ee kunool wadanka suudaan ayaa waxay Hambaliyo iyo bogaadin udirayaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maxamuud Sayid Aadan oo shalay lagu dooratay magalada baydhabo janaay .
Doorashadii maalintii shalay oo ay taarikhdu aheyd 03/3/2014 kadhacday magalada baydhabo janaay taas u dhacday si dimuquraadi ah oo shacabka siweyn usoo dhoweyeen .
Aqoonyahanda sidoo kale waxay hamabaliyo udiriyaan Gollaha guurtida koonfurgalbeed iyo dhamaan qofkaastoo kasoo shaqeyey ama gacan kagweystay howshaan muda dheer soo socotay .
Dhamaan aqoonyahanada iyo jaaliyada oo iskuduuban waxay baaq udirayaan ururada qaramada madoobey iyo dowlada daneya arimaha soomaliya in ay lashaqeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfurgalbeed soomaaliya.
sidoo kale waxay baaq udirayaan dowlada soomaliya oo ay leeyihiin waa in ay taagyeeraan rabitaanka shacabiga reer koonfurgalbeed una hogaansataa dastuurka federalka soomaliya maxaa yeelay go’aanka shalay lagu dhisay dowlad goboleedka koon furgalbeed waxaa uu soo socday dheer ku dhowaad mudo sanad ah taasna waxay cadfaynaysaa rabitaanka shacabka degan lixda gobol oo kala ah (sh/ Hoose ,jubadda hoose ,jubadda dhaxe ,Baay ,Gedo ,Bakool).
Ugu danbeentii shacabiga dega lixdaas gobol waxay rabaan hormarkooda in ay katashadaan iyo in ay soo celinyaan cadaalada iyo barwaqo kadhacda goboladaas inshaa allah .
W/Q:Aadam Abdi Ishak (Gentleman),
Aadamyare11@hotmail.com Sudan –khartoum
Idale News Online.