AMISOM oo Qarax lagula eegtay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose

0
234

Qarax Miino ayaa Saakay Ciidamada AMISOM lagula eegtay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

qaraxAmisonKismaayo

Qaraxa ayaa Ciidamada AMISOM waxaa lagu qarxiyay Gaadiidkooda xilli ay kasoo baxayeen Deegaanka Saacadihii hore ee Maanta, waxaana Dadka Deegaanka Buulo Mareer u sheegeen KON in Qaraxa uu ahaa mid Culus oo Khasaaro u geestay Ciidanka.

Ciidamo Gurmad ah oo kasoo baxay Buulo Mareer ayaa tagay Goobta Qaraxa, waxaana la sheegay in Goobta laga soo jiiday Gaadiid AMISOM ah oo ku bur buray Weerarka. Lama oga Khasaaraha Ciidanka.

Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa, sida lagu daabacay Baraha iyaga taageera.

Idale News Online, Buulo-mareer.