Amb. Maxamed Cali Ameeriko oo macsalaameeyay shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

0
273

Nairob(INO)-Amb. Maxamed Cali Ameeriko Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay kenya ayaa shalay oo jimco aheyd macsalaameeyay shaqaalaha Safaaradda, kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo Kenyan ah.

Amb. Ameeriko ayaa si KMG ah waxaa uu xilka ku wareejiyay Qunsulka Guud ee Safaarada Siyaad Maxamuud Shire oo noqonaya Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaad ka hor ansixinayay magacaabista Shan Safiiro loo magacaabay shan dal, waxaana la bedelay Safiiro muddo sanado ah xilka hayay oo uu ku jiray Amb. Maxamed Cali Ameeriko, kaasoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Jamaal Xasan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa uga mahad celiyay shaqaalaha Safaaradda sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen, mudadii sideeda sano ee uu xilka hayay.

“Waxaa rabaa inaan maanta xilkii Safiirnimada ku wareejiyo Siyaad Maxamuud Shire oo noqon doona Sii haye Safiir, aad ayaa idinka mahad celinayaa sida aad ila shaqeyseen, waxaa imaan doona Safiirka cusub Jamaal Xasan oo runtii aan ka rajeyneynayo inuu alle kula garab galo shaqadiisa”ayuu yiri Amb. Maxamed Cali Ameeriko.

ameerika macsalaamo (1)

Danjire Maxamed Cali ayaa ka sheekeeyay heerarkii ay soo martay Safaaradda oo markii uu bilaabayay ka bilaabay meel cidlo ah maanta Safaaradda ay tahay mid dhameystiran.

Shaqaalaha Safaaradda ayaa si niyad sami ku jirta u sagootiyay Safiir Maxamed Cali oo wixii maanta ka dambeeya laga yaabo inuu howlo kale galo isagoo nasasho la qaadan doono qoyskiisa inta uusan ku soo laaban Siyaasadda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Amb. Maxamed Cali Ameeriko uu siyaasada ku wareegayo, isla markaana la sheegayo inuu isu diyaarinayo Hiigsiga sanadka 2016, inkastoo warar kalena ay sheegayaan inuu xil kale loo magacaabayo.

ameerika macsalaamo (2)

Mudadii 8 sano ahayd ee Safiir Maxamed Cali ka shaqeynayay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi waxaa uu ku guuleystay inuu kasbado taageerada dadka soomaaliyed isagoo dib u soo celiyay dhulkii safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo mar sii horeysay la iibsaday, wax u qabashada dadka qaxootiga ku ah Kenya, taageerada dadka masaakiinta ah iyo isku xirka bulshada Soomaalida ee ku dhaqan kenya iyo Dowladda Kenya.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here