Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. Fawzia Yusuf H. Adam , Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda ,Xoghayaha joogtada , agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha,Safiirada,Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen kooxda Alshabab oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Makka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.
Marxuum Abdulkadir Aden Ali ” Dhuub” oo ay walaalo ahaayeen wasiiradii hore ee Caafimaadka dowladii KMG ee Sheekh Shariif Qamar Aden Cali oo iyadu lagu dilay qaraxii ka dhacey hotel Shaamo 3dii Dec 2009 ayaa waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, xiligaasi oo ahaa markii ay geeriyootey walaashiis Qamar, isagoo loo magacaabay Xiriiriye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK , ka hor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.
Ma ahan markii ugu horeysey ee masuuliyiinta dowlada qarax lagula eegto dalka Soomaaliya, inkastoo ay dowlada federaalka dadaashey haddana waxaa muuqato in ay jiraan dulduleelo faro badan oo dhanka ammaanka magaalada Muqdisho la xiriira taasoo dad badani aamisan yihiin in dadaalka amniga magaaladu yahay mid gaabis ah.
Idale News Online