Fannaanka Soomaaliyeed ee codka halaasiga leh Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa xaalad caafimaad daro soo wwajahday iyadoo uu ku xanuunsanayo Isbitaal ku yaal Magaalada Müchen ee dalka Jarmalka.
Fannaanka ayaa mudooyinkan la ildarnaa xanuun daran oo soo wajahay, waxaana uu u baahan yahay qaliin wax loogu qabanayo xaaladiisa caafimaad oo ah mid daran.
Qoyska uu ka dashay Fannaanka ayaa awoodin in ay bixiyaan qarashka ku baxaya qaliinka lagu sameynayo, sidaas darteed wuxuu bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageero u fidiyaan si wax looga qabto xaaladiisa.