Diinsoor(INO) — Afhayeenka Howlgallada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay oo shalay oo Jimco ahayd ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.
Abuu-Muscab ayaa intaas ku daray in dagaal sagaal casho qaatay kaddib ay xoogaggoodu ka baxeen Diinsoor si ay u Dhabar-jabiyaan Ciidamada kusoo duulay oo uu ku Tilmaamay Cadow kusoo duulay Shareecada Islaamka.
Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in Al-shabaab ay maamulaan deegaannada u dhexeeya Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor oo uu Sheegay inay mar kale dib uga Qabsadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.
“Tani Guul uma ahan Ciidamada nagu soo duulay; Sababtoo ah Dagaal Sagaal Maalmood qaatay kaddib ayaanu xeelad dagaal ugu baxnay haddana annaga ayaa ka talina deegaanada Baydhabo iyo Diinsoor u dhaxaysa,” ayuu yiri Sh. Abuu-Muscab.
Dhanka kale, Saraakiisha Dowladda Somalia ee Qabsaday Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ee ka kala tirsan Gobollada Bay & Gedo ayaa iyaguna sheegay inaysan la kulmin wax iska-caabin ah oo kaga timid dhanka Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Inkastoo Al-shabaab ay Sheegtay inay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay uga baxeen xeelad dagaal, ayaa haddana waxaa laga qabsaday laba maalmood oo isku xigta laba degmo oo muhiim u ahayd, kuwaasoo ay muddo sannado ah ka talinayeen.
Si kastaba ha ahaatee, Howlgalkan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka billaabeen Koonfurta Somalia ayay ugu magic-dareen xoreynta Gobollada Jubbooyinka, iyagoo sheegay inay doonayaan inay kaga saaraan Alshabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Somalia.
Idale News Online, Diinsoor