Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay bad-qabaan ciidamadii weerarka qorsheysan ka fuliyay duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka NFD, xilli dowladda Kenya ay sheegtay inay duqeyn ku laysay askartii dadka ku dishay duleedka Mandheera.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi ay nabad qabaan oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin sida warka lagu sheegay.
Warka kasoo baxay Shabaab ayaa waxaa lagu yiri “Way nabad qabaan ciidamada mujaahidiinta ee fuliyay howlgalkii duleedka Mandheera ka dhacay warka kasoo baxay dowladda Kenya waa been aan sal iyo raad laheyn”Ayaa lagu yiri bayaanka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Shabaab Sh.Abuu Muscab.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay laysay dhamaan ciidamadii Shabaab ee fuliyay weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka NFD.
Idale News Online, Muqdisho