Al-Shabaab oo sheegay in dalka Soomaaliya lakala qeybsaday.

0
192

Barawe:Ururka Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kula jira, ayaa waxa ay sheegeen in dalka Soomaaliya lakal qeybsaday oo gacanta loo geliyay Dowlado shisheeye oo Soomaaliya deris la’ah.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabelah hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala Soomaaliya waxaa kala qeybsaday buu yiri Dowladaha ciidankeeda ay ka joogaan gudaha, kuwaasi oo dhulkii la wareegay.

Ciidamada Kenya, ayuu sheegay in lasiiyay Jubbooyinka, ciidanka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay inay la wareegeen Gedo, Baay iyo Bakool ciidamada Uganda iyo Burundi, ayuu qeexay inay la wareegeen gacan ku haynta Gobalada Shabeelooyinka iyo Banaadir, isaga oo ugu dambeyn sheegay in Puntland iyo Soomaaliland kol hore lala wareegay.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay inay qaataan hubka oo ay iska dhiciyaan ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayuu tilmaamay inay horay uqabsatay dhulka Soomaali galbeed hadana loogu daray Gobalada Baay iyo Bakool iyo Gedo, taasina ay muujinayso sida Soomaaliya lookala qeybsamay.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Shabaab ee Shabeelaha hoose, wuxuu ka sheegay banaanbax shalay oo Jimco aheyd ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo dadkii isugu soo baxay ay ka banaanbaxayeen ku biiritaanka ciidanka Ethiopia howlgalka AMISOM.

Cabdala

Idale News Online, Baraawe.