Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadashay go’aanka Kenya ku xireyso xeryaha Qaxootiga

0
661

Muqdisho(INO)— Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay go’aanka dowladda Kenya ku xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay sheegtay in laga soo abaabulo weerarada ka dhaca gudaha dalkeeda.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo la hadlayay idaacad taageerta Al-Shabaab ayaa sheegay in Kenya uu dhaqaale badan ka soo galo xeryaha qaxootiga sida Dhadhaab, Xagardheer, IFO iyo dhagaxley, isla markaana ku tuugsadaan inay hayaan qaxooti fara badan.

Cali Dheere ayaa beeniyay in weeraro ay ka abaabulaan xeryaha qaxootiga, isagoo xusay in Kenya mar-marsiiyo ka dhiganeyso dhibaateynta shacabka.

“Anaga marnaba nagama suurtowdo in xeryo ay ku nool yihiin shacab qaxooti ah ay weeraro ka abaabulaan, warkaas waa been ay Kenya rabto inay mar marsiiyo uga dhigato dhibaateynta shacabka”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay inay soo dhoweynayaan qaxootiga hadii dalkooda dib loogu soo celiyo, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hodan ah, wadankeeda barwaaqeysan yahay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay xereyso xeryaha qaxootiga, iyadoo dhamaadka sanadkan ay sheegtay inay si rasmi ah albaabada isugu dhufaneyso, waxaana xeryaha qaxootiga ku nool dad ka badan 600 oo kun oo ruux.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here