Al Shabaab oo la ogaaday in Caruur Agoon ah ay ku Tababaraan Kenya

0
208

Muqdisho(INO)- Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka wadanka Kenya ayaa sheegay inay ogaadeen in Xarakadda Al-Shabab ay caruur yar yar oo agoomo ah ku tababaraan dugsi ku yaala magaalada labaad ee dalka Kenya ugu weyn ee Mombasa.

Wargayska The Star ee Kenya kasoo baxa oo soo xiganaya saraakiil dawlada ka tirsan ayaa sheegay in xogtaan laga helay xubno ka tirsan maamulka iskuulka oo la xiray lana xog waraystay.

Qiyaastii 80 caruur ah oo kan ugu uu 15 sanno jir yahay ayay Al-Shabab ku tababaraan dugsiga agoonta ee la yiraahdo Kauthar Integrated Madrassa oo ku yaala xaafadda Likoni ee Mombasa.

Xubnaha la qabtay ee xogtaan laga helay oo uu ka mid yahay maamulaha iskuulkaas Max’ed Axmed Faadhilli ayaa u sheegay saraakiisha waraysatay in Al-Shabab ay caruurtaas u balan qaadeen lacag, baabuur iyo xaasas sida uu yiri.

Caruurtaan agoonta ah oo badankood kasoo jeeda qawmiyada Baajuunta la yiraahdo ayaa la baraa sida wax loo toogto qaraxyada iyo dagaalka tooska ah waxaana sidoo kale la baraa in falalka la xariira xag jirnimada sida uu wargayskaan ku waramayo.

Dagaalamayaasha Al-Shabab waxaa ka mid ah dhalinyaro tiro badan oo u dhashay wadanka Kenya kuwaasoo inta badan hogaamiya weerarada ay Al-Shabab dalkaas ku qaadaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here