Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay sheegtay in ay xoojisay weerarada ay ka geysaneyso Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay sheegtay in ay gaalo ku soo duushay, isla-markaana ay qabsatay.
Waaliga Gobolka Banaadir ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday Ciidamada Amisom iyo Dowladda, in ay si weyn ugu fashilmeen dagaalada.
Wuxuu sheegay in hal habeen kahor ay weerareen fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ku lee yihiin dhowr goobood oo ka mid ah Degmada Heliwaa, halkaana ay dagaalo culus kula galeen.
Sidoo kale waxa uu ku faanay in xalay ay weerar ka geysteen Xaruntii Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad, oo ay degan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana ay ku xanuun-jiyeen.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen, ayaa ku hanjabay in cadowga qabsaday buu yiri Magaalada Muqdisho aysan nabad ku jooggi doonin, isla-markaana ay habeen iyo maalinba rasaasta ku miri doonaan.
Sheekh Cali Jabal wuxuu ku faanay in ay taageero ka helayaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaa oo uu sheegay in ay ka caawinayaan la dagaalanka waxa uu ugu yeeray cadowga.
Idale News Online, Muqdisho.