Baardheere-Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlusunna Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab ay Godoomiyeen Deegaanada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Gacanta ku hayaan ee Gobolka Gedo.
C/rixmaan Axmed “Al-ansaari” oo ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab Gaadiidka Xamuulka Qaada ee Deegaanada Dowladda ay hasato Geeya Cuntada ay Diideen in ay halkaasi tagaan.
Al-ansaari ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si Deg deg ah wax looga qabto Dhibaatadad Al-shabaab ay ku hayaan Shacabka,waxaana sidoo kale uu beeniyey in Ciidamada Soomaaliya ay Baneeyeen Goobaha ay isku hor fadhiyaan Al-shabab ee Gobolka ka tirsan.
Al-shabaab ayaa Shacabka ku nool Goobahii dhawaan laga saaray ku soo rogay Xanimaad,waxaana ka mid ah, Degmada Waajid,Xudur Buulabared iyo Ceelbuur oo gacanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya hada ku jira
Idale News online ,Muqdisho