Xudur–Kooxda Al shabaab, ayaa Cunaqabatayn kusoo rogay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo Labo Todobaad kahor ay la wareegeen Ciidamada DFS & kuwa AMISOM.
Al Shabaab, ayaa Gaadiidka qaada Alaabaha Ganacsiga ku wargeliyay inaysan u safri karin Magaalada Xudur, sidoo kalena kuwa Gudaha ugu jira Magaaladana aysan Wax Alaab ah kasoo qaadi karin.
Kooxda ayaa sidoo kale ugu hanjabtay in Gaarigii u hogaansami waaya Amarkooda ay Dab qabad siin doonaan, waxaana Tallaabadan ay keentay in Sare u kac xooggan uu ku yimaado Ganacsiga Magaalada, gaar ahaan Cuntada, Shidaalka iyo Bagaashka.
Horjoogiyaal ka tirsan Kooxda Al shabaab oo Toddobaadkaan kulan ku yeeshay Deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool, ayaa waxay ka soo saareen Go’aanka ay Cunaqabateynta ku saareen Magaalada Xudur.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool, ayaa ugu baaqay Darwalada Gaadiidka in aysan u hogaansamin Amarka Kooxda Al shabaab, oo ay sii wataan Shaqada ay ugu adeegayaan Shacabka.
Wuxuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan Duulaan Military oo Maleeshiyada Al shabaab uga saarayaan Deegaanada ku dhow Magaalada Xudur, si looga hortago Weerarada iyo Hanjabaaha lagu hayo Dadka iyo Ciidamada ku nool Magaalada.
Dadka ayaa intooda badan isaga barakacaya Xudur, kahor inta aysan imaan Ciidamada DFS & kuwa AMISOM, waxaana ay sidaasi u samayeen Cabsi ka ka qabaan Kooxda Al shabaab oo sidaas ku amaryay.
Xaaladda aad u adag oo dhanka Nolosha ah ayaa hadda ka jirta Gobolka Bakool, waxaana jirin Wax Gar Gaar ah oo ay DFS iyo Hay’adaha gaarsiiyeen Deegaanada laga saaray Al shabaab.
Idale News Online, xudur.