Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in Maleeshiyada Alshabaab ay halkaasi ka bilaaben falal argagax galiyay Bulshada Baydhabo ku dhaqan.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in Dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ay bilaaben in xiliyada Habeenkii ay dadka kala dagaan gaadiidka BL-da.
Dagaalyahaanadaani ayaa xiliyadaasi ku labista dareeska Ciidamada DF Somalia, waxa ayna taasi suuragalisay in Maleeshiyada ay gudaha Magaalada kala baxaan shaqsiyaadka ay usoo muraadaan.
Tani waxa ay walaac adag ku beertay dadka Deegaanka oo iyagu hilib geed saaran u noqday Maleeshiyada Alshabaab.
Dowlada Koonfur galbeed ee Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada DF iyo kuwa Ethiopia ayaa lagu wadaa in ay go’aano adag kasoo saaran falalka ay ku kacayaan Dagaalyahaanada Maleeshiyada.
Idale News Online, Baydhabo.