Al Shabaab “Fariinteenu waa mid uu dhiig la socdo, mana ahan mid ereyo ku qoran”

0
230

Muqdisho(INO)-Ururka Al Shabaab, ayaa soo saaray warbixin cusub oo uu ugu hanjabay dalka iyo dadka reer Kenya, waxayna Shabaabku ku goodiyen in weeraro ka geysan doonaan dalkaasi Kenya.

ALSHABAB

“Waa xaqiiq laga wada dharagsan yahay in dowladda Kenya ay ku kacday gaboodfalo ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta bariga Africa. Laga soo bilaabo xasuuq wadareedyadii taariikhda galay ee Wagalla iyo Garissa oo ku dhawaad toban kun (10,000) oo Muslimiin ah lagu gumaaday iyo sidoo kale dilalka aan loo meeldayin ee lagu hayo Muslimiinta, waxay Ihaanada ka dhan ah dadka Muslimiinta u soo jiitameysay sidan oo kale, waxayna dhaawacyo qoto-dheer oo nafsaani ah ku abuurtay quluubta dad badan oo Muslimiin ah.” Ayaa lagu sheegay Warbixinta ay Al Shabaab soo saartay.

“Gudaha Soomaaliya, ciidamada Kenya waxay ka geysteen xasuuq aan tirakoob lahayn oo ka dhan ah bulshoweynta Muslimiinta. Iyagoo ka duulaya awaamiirta ay ka heystaan dowladooda, Ciidamada Kenya waxay gudaha Soomaaliya ka geysteen dilal wadareedyo, jirdil iyo Kufsi aan loo meeldayin oo ka dhan ah dumarka Muslimaatka ah. Tobaneeyo kun oo Muslimiin ah ayaa guryahooda laga barakiciyey, boqolaal kale waa la dilay, halka kumanaan kalena la dhaawacay, arintaas oo ah Natiijada ka dhalatay duulaankooda gaalada.” Ayaa lagu sheegay Warbixinta.

“Diyaaradaha Kenya waxay duqeymo ka geysteen xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalada. Waxay hawada sare ka soo weerartay dhamaan deegaanada Muslimiinta, Iyadoo dishay xitaa xoolihii Islamarkaana duqeysay goobihii waxbarashada taas oo keentay in ay burburto riyadii iyo rajadii ay qabeen jiilka soo koraya.” Ayay Al Shabaab ku xustay Warbixinta.

Waxaa kaloo lagu sheegay “Marka laga hadlayo Bariga Africa oo idil, Muslimiintu waxaaa laga xayuubiyey waxwaliba oo sharaf ah oo ay lahayeen, Waxaana lagula kacay falal wuxuushnimo kuwii ugu darnaa ka dib markii ay ka dhiidhiyeen in ay u hogaansamaan dulmiga iyo ihaanada Kufaarta, Iyadoo dabasocota handadaaddan iyo caga-jugleyntan baahday ee lagu hayo Islaamka iyo Muslimiinta, Waxaa Xarakat Al-Shabaabul Mujaahideen dusha saaratay masuuliyada inay u hiilinta walaalahooda Muslimiinta ah, ayna qaado silsilado weeraro ah oo loogu aargudayo kumanaanka Muslimiinta ah ee ku baxay gacanta Ciidamada Kenya.”

“Weeraradaas midkii u dambeeyey wuxuu ahaa howlgalkii ay Mujaahidiintu ku qaadeen Jaamacadda Garissa. Abaare saacadu markey ahayd sagaal saac oo habeenimo ayey Mujaahidiintu xoog ku galeen xarunta Jaamacadda, Iyagoona durbaba beegsaday goobihii ay daganaayeen Kufaarta, ka dibna hal meel isugu keenay dhamaan dadkii halkaas ku jiray. Weerarku wuxuu beegsanayey kaliya gaalada. Dhamaan wixii Muslimiin ahaa halkaas si nabadgalyo ah ayey kaga soo saareen Mujaahidiintu sababtoo ah dhiig Muslimku waa qaali halka dhiigga Kufaartana uusan wax bad-baado ah heleynin ilaa in Iimaan laga helo ama balanqaad Amaan la siiyo mooyee.”

“Fariinteenu waa mid uu dhiig la socdo, mana ahan mid ereyo ku qoran, ee waxaan idiin kugu soo diri doonaa dhiiga dadkiina sidaas darteed wixii hadda ka dambeeya siiqota xabaalahooda oo diyaarsada karfantii aad ku dabooli lahaydeen.” Ayaa lagu yiri Warbixintasi.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here