Wanleweyen: Iyadoo Guud ahaan soomaaliya ay soo martey burbur iyo dhibaato badan , ka dib markii dalka ka qarxey dagaal sokeeye, kaasoo Galaafsadey, hanti dadweyne iyo Mid gaarba.
Hadaba 2 june ayey ahayd ka dib markii Baaq dheer uu idirey Cabdi xakiim Cabdilaahi cabdiyow taliyaaani DF soomaaliya ; isagoo oo ku nool qurbaha islaaank ka soo jeedo Gobolka Shabellaha Hoose Gaaar ahaan Degmadda Daafeet,ayaa dhawaan ku taliyey ama xasuusiyey dowoalda soomaaliya inay dib u howl galido Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.
Baaqaasi, oo watey talooyin ayaa ka jawaabtey dowlada soomaaliya, ayadoona shaley degmada wanleweyne iyo Garoonka Balidoogle ay Booqdeen xubno kula socdey maaamulka Gobolka Shabellaha Hoose , Xildhibaano iyo wasaradda maaliyada.
ka dib indho indheyn iyo suurtigalnimada ayaa waxa halkaasi ka hadley Xildhabaan Md Samaan Maxamed Dahir “ idinku hadii aad wax qabsataan, oo aad iska daysaan, joojisaan qabiilka &hoos isu eegida, waxaad heleysaan intaaan iyo in kale oo badan”Ayuu yiri.
Sidoo kale, cabdi qaadir Nuur sidii Godoomiyaha gobolka Shabellaha hoose oo halkaasi isna ka hadley ayaa sheegeey inay guul u soo hooyatey dadka ku dhaqan Degmadda Wanleweyne ” Waxa dhawaan la Howl Galinaa garoonka Caalamiga ahi Ee Balidoogle, ganacsigii oo dhan halkan ayuu wareegi doona,Jaadkii halkan ayuu ku soo digo doonaa” Ayuu yiri Godoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Md Siidi.
Sikastaba ha ahaate, Gooranka Balidoogle, oo ahaa Garoomada Ugu caansana Xiligii dowladii kacaanka,ayaa is xirey, tan iyo 1990 kii Markasoo la waayey kala dambeyn iyo cadaalad.
Dadka ka soo jeedaa Gobolka Shabellaha hoose Gaar ahaan wanleweye ayaa dhur sugeyey ama Naawelayey mudo badan inay arkaana arintan hormarka leh, isla markaana u soo jiidi doonto indhaha Shacabka soomaaliyeed.
Ugu dambeynti Baaqan oo uu direy aqoon yahan Cabdixakiin cabdiyow taliyaani ayaa waxay ku dayasho Iyo hormuud u noqon Doonta qurbo joogta degaanada Dafeet iyo dadka gudaha mid ay ku dhiirtaan.
Halkan Ka Daawo Warxintaasi.