Shir ka dhacey cariga dalka mareykanka aya waxa iskugu yimid waxgaradka Beesha Hubeer ee ku nool Minnesota isla markaasna la isku dhaafsanayey aragtiyo ku aadan sidda ugu haboon ee loo horumarin karo deegaanada iyo dadyowga deegaanada ay Beesha degto ee Gobolada Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay iyo Gedo ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa la go’aansasdey qodo Dhaxal Gal ah.
Qodobadda Shirka Laga Soo saarey :-
- In lala xiriiro qurba joogta beesha dhamaan kuwa ku nool North America, Canada, dalalka Yurub iyo ka shaqeynta mideyntooda isla markaasna loo sameeyo hal hogaan u yesho gobol walbo ee beesha degto.
- In shirweyne la qabto mustaqbalka dhow, si ay fursad ugu helaan dhamaan walalaha qurba joogta beesha ee North America iyo Canada, Laguna doorto hogaanka cusub oo matalo North America iyo Canada, Kadibna la raadiyo kuwa qaarada Yurub iyo Aasiya gaar ahaan Khaliijka.
- In lamideeyo Jaaliyadaha North America iyo Canada, loona sameeyo sharciyo iyo nidaam kala haga maamulka iyo wax qabadkooda mustaqbalka.
- In gudi lo xilsaaro dhaaqale arurinta, kadibne Koonto La sameyo, si logu dardargeeliyo horumaarinta deganada beesha ay degto ee shanta gobol.
- In la garsiyo natiijada kulanka dhamaan beesha Hubeer ee North America iyo Canada si ee uga soo qeyb galan shirweynaha mustaqbalka dhow oo lagu qaban doono magaaladda Minneapolis August 29-ka.
Idale News Online, MN, USA.