Kismaayo(INO)-Warbaahinta Madax Banaan Ee Idale News Online ayaa maanta heshay liiska sida loo qoondeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubba, sida loogu qaybiyey Beelaha, sida aan xogta ku helney waxaa ilaa hada loo qoondeeyey qaybsiga kuraasta sidaan aad hoos ku arki doontaan.1.
Ogaadeen waxay heleen21-kursi oo ay ka kala heleen Jubbada Hoose 10-kursi, Jubbada Dhexe 8-kursi, Gedo 3-kursi.
Mareexaan waxay heleen 18-kursi oo ay ka kala heleen Jubbada Hoose 1-kursi Gedo 17-kursi, Jubbada Dhexe waxba kama helin
Raxanweyne oo Beelo badan ay ka degaan Goboladaan waxa la siiyay 9-kursi oo laga siiyay Jubbada Dhexe 5-kursi, Gedo 4-kursi, Jubbada Hoose waxba lagama siin, waxaana ka soo horjeestey Beelaha Hubeer iyo Geelidle.
4. Harti waxay heleen 4-kursi oo ay ka heleen Jubbada Dhexe
5. Shiikhaal waxay heleen 3-kursi oo ay ka heleen Jubbada dhexe 2-kursiiyo Jubbada hoose oo 1-kursi ah
6. Jareerweyne waxay heleen 3-kursi oo ay ka heleen Jubbada dhexe
7. Dir waxay heleen 2-kursi oo ay ka kala heleen Gedo iyo Jubada dhexe
8. Ajuuraan waxay heleen 2-kursi oo ay ka kala heleen Jubada dhexe iyo Gedo
9. Baajuun waxay heleen 2-kursi oo ay ka heleen Jubada hoose
10. Cawromale waxay heleen 1-kursi oo ay ka heleen Jubada hoose
11. Gaaljecel waxay heleen 3-kursi oo ay ka heleen Jubada hoose
Ugu dambeyntii Isugeyn inta ilaa hada diyaarka ah waa sidaan waana 68-kursi, waxaa dhiaman 7 kursi oo aan wali cidna lasiin laga yaabee beelaha qaarka wax saluugsan in loogu daro, waa sida aan xogta ku helnaye, inkastoo ay dhici karto in beelo kale oo aan liiskaan ku jirin la siiyo kuraas.
Idale News Online, Kismaayo