Akhriso: Magacyada& Beelaha 4 Wasiir Ee Cusub Beesha Digil&Mirifle Ugu Jira Xukuumada Soomaaliya

0
251

Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda muqdisho Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Xaley ku dhawaaqay golahiisa Wasiirada.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.

Eng-Salax-Sheekh-Cismaan-400x260

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uu wadatashi la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 20 xubnood.

Hadaba Waxaan Halkaan Idinkugu Soo Gudbinaynaa Magacyada Iyo Beelaha Afarta Wasiir ee DigilMirifle Uga Jira Xukuumada Cusub ee Muqdisho.

1. Dr. Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” Wasaaradda Maaliyadda(Mirifle/Dissow)

2. Dr. Cali Xasan Cismaan Wasaaradda Beeraha (Digil/Garre)

3. Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska (Digil/Geledi)

4. Drs. Xaawo Xasan Maxamed “Lahelow” Wasaaradda Caafimaadka(Mirifle/Hadame)

Si Kastabaha Ha ahaatee  waxaa muuqata in Gudoomiye Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uu markaan si aan mugdi ku jirin ugu guuleystay Xulista Xubnaha DigilMirifle uga mid noqonaya Gollaha Wasiirada Xukuumada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa Hal Bacaad lagu Lisay ku dhamaaday Hamigii Madaxweyne Shariif Xasan kaga soo tagay Magaalada Baydhaba ee ahaa inuu xulo Xubnaha DM kaga mid noqonaya Xukuumada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here