Akhriso: DF soomaaliya oo qaadacday ka Qayb-galka Shirka Sweden.

0
172

Warbixin ay si wadajir ah usoo saareen DF iyo rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayay ku qaadaceen ka qeyb-galka shirka Ganacsiga oo maalmo kadib ka furmi doona Dalka Sweden.

Shirkan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh Ganacsatada Soomaaliyeed..

“Sweden waa dal Soomaalidu kul kalsoon tahay, waxayna ka mahad-celinayaan qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku caawinayso,” ayuu yiri agaasimaha Rugt Ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoorre oo ka hadlay kulanka ay ku joojiyeen ka qaybgalka shirka lagu qabanayo Sweden.

Haddaba, xaaladda hadda shirku ku qabsoomayo wasaaradda ganacsiga iyo Rugtu waxay ula muuqataa sida.

1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna kala dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wadatashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.

2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma lahan siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu tallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama ahan.

3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka miro-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.

4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo – Institutional Building – kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama ahan in ay caawineyso in si is-barabar-yaac ah lagu caawiyo.

5. Ugu dambeyn, isla markaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, waxay ahayd in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.

6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma lahan, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaan nala haboonaatay inaysan ka qayb-gelin shirkaas haddii aysan wasiirka iyo wasaarada ganacsiga  iyo ganacsatada oo wadajira aysan ka qayb-galeen shirkaas.

DF

Idale News Online, Muqdisho.  Nagala Soo Xariir Emal: Idalenewsonline@mail.com