Akhriso+ Daawo Video::Muslimiinta Dalka Jamahuuriyda Afrikada Dhexe oo Loo Gowracayo Sida Xoolihii oo Kale.! ( Xasbunalaahu Wanicmal wakiil).

0
221

Xasbiyallaahu Wa Nicmal Wakiil..!Tobon mar ka badan baan ka fekaray inaan Mowducaan Cinwaan u sameeyo, laakiin xaqiiqatan waxaan awoodi waayay inaan laba Xaraf isku aadiyo, , waxaana taas sabab u ah saameynta uu igu reebay Muuqaalkan aad qeybta hoose ka arki doontaan!

Marar badan ayaan ku fekaray inaan iska dhaafo Mowduucaan oo aan waxba ka qorin, annigoo u dhimrinaya Shucuurta Akhristayaal badan oo aan ogahay inaysan xamili karin daawashada muuqaalkaan oo kale!. balse anigoo ka cudur daaranaya soo gudbinta Muuqaalkan waxaan ka codsanayaa qofkasta oo aan awoodin qalafsanaanta Muuqaalkan inuu iska dhaafo.

Taariikh-yahanka Ibnul Athiir Raximahullaah oo Kitaab ka qoray Tataarkii qarnigii Lixaad ee Hirjyada kusoo duulay dhulalka Muslimiinta ayaa Kitaabkiisa waxa uu ku yiri : “Haddii taariikhyahannada Muslimiinta aysan wax ka qori laheyn Wuxuushnimada Tataarka way yaraan laheyd cid rumeysata waxyaabihii ay ku kaceen”. Sidaas darteed ayaa annaguna ka Muslimiin ahaan waxaa maanta uu xil weyn naga saaranyahay diiwaan gelinta xasuuqa ay wuxuushta Cawaanta ah kula kacayaan Walaalaheenna Muslimiinta Afrikada dhexe ku nool.

Xasuuqa iyo gumaadka lagu hayo Muslimiinta Afrikada dhexe wuxuu dhaafay heer laga sheekeeyo, Muuqaallada iyo Sawirrada naxdinta leh ee Warbaahinta ay halkaas kasoo qaaday ayaa qofkasta oo Muslim ah waxay uga filan tahay inuu qiyaaso waxa halkaas ka soconaya, wixii qarsoon ayaana kasii badan.

Waxyaabaha la yaabka iyo fajicisada igu noqday intii aan Akhrinayay Taariikhda Tataarka waxaa ka mid ah in Askari Tataar ah uu soo qabto koox Muslimiin ah, kadibna inta uu meel fadhiisiyo ku yiraahdo : isii suga inta aan kasoo qaadanayo Seeftii aan idinku dili lahaa! ogowse dadka Muslimiinta ah ee sidaas la leeyahay kama xirna lugaha iyo gacmaha!.

Ka Warama haddii arrintaas oo kale ay maanta heysato Muslimiinta Afrikada dhexe ku nool, weliba waxaan dhihi karnaa mid ka daran ayaa heysata. Muuqaalkan hoose waxaad ku arki doontaan Koox Muslimiin ah oo aan gacmaha iyo lugaha midna ka xirneyn, waxaa la isugu keenay meel banaaan ah waxaana mid mid loo gowracayaa sidii xoolihii oo kale, waxaase kaaga sii daran mid walba isagaa soo kacaya, kadibna jiifanaya oo isu diyaarinaya ninkii gowrci lahaa, xittaa xoolaha Caadiga ah ee aan Caqliga laheyn sidaas laguma sameyn karo! Xoolaha marka la gowracayo waa la xir xiraa, waana la kala qariyaa si aysan u didin, Laakiin kooxdan Muslimiinta ah mid walba wuu arkayaa sida Walaalkiisa loo gowracayo, haddana ma jiro mid xittaa ugu yaraan rafasho iyo iska caabin sameynaya! waa dhacdo uusan rumeysan laheyn qofkastoo looga sheekeeyo, haddii aan Muuqaal laga soo duubi laheyn.. Wallaahul Mustacaan.

Xaqiiqatan ma aqaano waxaan dhacdadan ku tilmaamo amaba aan ku sifeeyo, weligeyna intii aan noolaa horey uma arag waxaan oo kale, waxaana tani ay ku tusineysaa heerka ay maanta joogaan Muslimiinta Dunida kunool. Ilaahay Subxaanahu watacaalaa waxaan weydiisanaynaa inuu u gar gaaro una hiiliyo walaalaheenna Muslimiinta ah ee Afrikada dhexe ku nool, qof kasta oo Muslim ah waxaa waajib ceyni ah uu ku saaranyahay inuu garab istaago, wax kale hadduusan awoodi karinna waa inuusan ducada ka hilmaamin walaalihiisa gumaadka iyo baabi’inta lagu hayo.


africa

Idale News Online, Kinshasa.