Xukuumadda Somalia oo mudooyinkaani ku kacsan yihiin Tobaneeyo Siyaasiyiin Mucaarad ah, ayaa waxaa la tilmaamayaa in Mucaaradkaasi ay sabab u tahay Qodobada soo socda:-
1- Xukuumadda oo ka baxday Ballan qaadyo ku aadan inay Safiiro u magacaabida tiro Siyaasiyiin oo kamid ah Guddiga Badbaadinta Qaranka, taasoo koow ka ah in Xukuumadda ay ku kacaan Mucaaradka.
2- Xukuumadda oo lumisay Siyaasadii kala dhexeysay Dowladaha dariska, taasoo qeyb ka ah in la adeegsado Siyaasiyiin Mucaarad ah.
3- Siyaasiyiinta Mucaaradka oo helay duleelo ay ku mucaaradaan Xukuumadda sida Musuqa lagu eedeeyay Xukuumadda.
4- Sirtii Xukuumadda ee ku aadaneyd Kismaayo oo gaaray Dowladda Kenya iyo Maamulka Axmed Madoobe.
5- Warqado qarsoodi u ahaa Xukuumadda oo gacanteeda ka baxay isla markaana gaaray Wasaaradda Gaashandhiga Kenya.
6- Siyaasiyiinta aan go’aan laheyn maalintiina Dowladda la shaqeynaayo habeenkiina Sirta Dowladda u gudbinaayo Dowladaha dariska iyo Alshababa oo xukuumadda kusoo badanaayo.
7- Ad adeeg xumi iyo habac sanaan Siyaasadeed oo ay muujisay Xukuumadda Somalia, taasi oo qeyb ka ah Fashilka Dowladda saameeyay.
8- Dabakac la’aan ka dhex jira laamaha amaanka Xukuumadda iyo Saraakiisha Dowladda oo muujinaayo dhaqamo qabyaaladeed.
9- Hay’adda Sirdoonka oo aan heysan Macluumaad ku filan iyo Ciiddamadda amaanka oo waqtiyada habeenkii qayil iyo tamashleyn u fadhiista, taasoo Fashiliyay Ammaanka Magaalladda.
10- Saraakiisha Dowladda oo aan niyad u heyn gudashada howlahooda.
11- Xukuumadda oo Awoodeeda ciidan iyo tan dhaqaale kusoo koobtay Magaalladda Muqdisho.
Ugu dambeyntii, Qodobada kor ku xusan, ayaa ah qeyb kamid ah meelaha ay Xukuumadda uga imaanayaan Fashilka.
Idale News Muqdisho