Cabudwaaqo(INO) — Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay inay isku diyaariyeen sidii Weerar Rogaal-celin ah ay ku qaadi doonaan Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud, halkaasoo toddobaadkii hore ay gacan ku haynteeda la Wareegeen Ciidammo Taabacsan Maamulka Galmudug.
Mursal Sh. Maxamed Yuusuf Xeefow oo u hadlay Maamulka Ahlusuna ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii Weerari lahaa degmada Caabud-waaq, isagoo wacad ku maray inay dib ula wareegi doonaan.
“Ahlusunna waxay u diyaar-garowday sidii ay Weerar Rogaal-celin ah ugu Qaadi lahayd Degmada Caabud-waaq, si gacanta Maamulka loogu soo celiyo,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Ahlusunna Waljameeca.
Sidoo kale, Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay Wakhtigaan ay ka Socdaan Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud iyo deegaanada ku dhow-dhow kuwaasoo ay wadaan Ciidamada Ahlusunna Waljmaaca.
Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ayaa iyagana sheegaya inay ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug ay soo buuxiyeen, iyadoo laga baqdin qabo inay ka dhacaan dagaallo kale u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug.
Ugu dambeyn, hadalka Ahlusunna ee Han-jabaadda ah ayaa imaanaya Xilli ay ka Socdeen Caabud-waaq Maalmahan Dadaallo lagu doonayo in Xiisaha Dagaal ee u dhexeysa Ururka Ahlusunna iyo Galmudug lagu Qaboojiyo.
Idale News Online, Cabadwaaq