Agaasimaha Waaxda Howlgalada Madaxtooyada TAABIT oo loo magacaabey Qunsulka Somalia ee dalka Mareykanka

0
220

Agaasimihii hore ee Waaxda Howlgalada Madaxtooyada Taabit Cabdi oo ay Madaxweyne Xasan Sheekh Qaraabo dhow yihiin ayaa loo magacaabey Qunsulka Soomaaliya ee dalka Mareykanka. Taabit Cabdi ayaa xilkii Agaasimaha Madaxtooyada ku wareejiyey nin oday ah oo ka soo jeeda Beesha Silcis Hawiye, waxaana xil-wareejintaasi ka dhacey xarunta Madaxtooyada Somalia.

Taabit ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ee bisha August ee sanadkaan soo gaari doono Washington DC, halkaas oo ay muddo afar cisho ay shirar kula leeyihiin madax sar sare oo dalka Mareykanka ka mid ah, ka dib waxa wafdiga Madaxweynaha oo ka kooban 3 wasiir, xaaska Madaxweynaha, la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Siyaasada Ali Max’ed Geedi, qunsulka Cusub ee safaarada Somalia ee dalka Mareykanka Taabit iyo qaar ka mid ah protocol iyo security u soo gudbi doonaangobolka Minnesota oo ah halka ay degan yihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Mareykanka.

OmarRashid

Waxaan magaalada Minnesota ka socda qabanqaabada isugu jirta soo dhoweyn iyo mudaaharaad ay wadaan taageerayaasha iyo mucaaradka dowlada Xasan Sheekh, kuwaasoo ku aadaaya xili dowlada Somalia ay dalka Mareykanka u magacowdey Omar Abdirashiid Ali Sharmaake inuu noqdo wakiilka dowlada ee dalka Mareykanka.

Idale News Online