Booliska Belgium ayaa xiray Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaan Afweyne, oo loo heysto burcad badeednimo. Waxaa la qabtay Afweyne markii uu ka soo degay garoonka dayaaradaha ee magaalada Brussels.
Waxaa lagu eedeeyay inuu lacag malaayiin dollar ah ka sameeyay isaga oo hoggaaminayay koox gangs ah oo dhawr markab oo ganacsi iyo doomaha lagu raaxeysto afduubtay.
Warbaahinta Belgium ayaa ku soo warrantay in Afweyne looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa afduubkii Markab Belgian ah ‘Pompei’ 2009.
Afweyne ayaa lala xiray nin kale oo la socday markii ay ka soo dageen garoonka dayaaradaha ee magaalada Brussels, kuwaasi oo saarnaa dayaarad ka timid Kenya.
Waxaa la aaminsan yahay in booliis dharcad ah ay isaga dhigeen oo ay ka dhaadhiciyeen inuu wax ka sameeyo filim ku saabsan burcad badeedda, oo sidaasi lagu khiyaamay.
Mohamed Cabdi Xasan, ayaa waxa uu ku dhawaaqay bishii Janaayo ee sanadkan inuu isaga baxay hawsha dhaqaalaha badan ee burcadbadeednimada Soomaalida.
Burcad badeedda Soomaalida ayaa hoos u sii dhacaysay ilaa sanadlii 2009, markii la xoojiyay ammaanka xeebaha u dhaw Soomaaliya.
BBC-somali
Idale News Muqdisho