Afhayeenka Militariga Kenya: “Ciidamadeenna waxaa dib loo dejinayaa Deegaanno kale, laakiin Annaga marnaba Ciiddamaddeenna kama saarayno Somalia”

0
191
Afhayeenka milliteriga dalka Kenya, Kornel Willy Wesonga ayaa gaashaanka ku dhuftay Wararka sheegayo inay Dowladda Kenya la baxayso Ciidamadda ka jooga gudaha dalka Somalia.
Afhayeenka oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka ee XINHUA, ayaa waxa uu tilmaamay inuusan jirin Qorshe ay kula baxayaan Ciidamadda Kenya ee Qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kana hawlgala Goballadda Jubbooyinka ee dalka Somalia.
“Ciiddamadeenna waxaa dib loo dejinayaa Deegaanno kale, laakiin Annaga marnaba Ciidamaddeenna kama saarayno Somalia ” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddamadda Kenya, oo intaasi ku daray inaysan waxba ka jirin Wararka ay Warbaahinta ku sheegeen in Ciidamadda Kenya ka bixi doonaan Hawlgalka AMISOM.
Wuxuuna intaasi ku daray inay Suxufiyiinta ku casuumi doonaan inay yimaadaan Deegaannadda cusub ee ay Ciidamadda Kenya ka hawlgeli doonaan.
Kornel Willy Wesonga waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Ciiddamadda ka joogay Goballadda Jubbooyinka loo wareejinayo Goballo kale, iyadoo uu Taliska AMISOM ka war hayo Dib-u-meeleynta Ciiddamadda Kenya ee jooga Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay arrin caadi tahay in Ciidamadda laga beddelo Deegaannadii ay horey uga hawlgeli jireen, loona wareejiyo Deegaanno kale.
Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Ammanaka magaalladda Kismaayo ku wareejinayaan Ciidamo ka kala socda dalalka Djibouti, Sierra Lione iyo Nigeria, oo iyagu qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.
kenya
Idale News Online, Mogadishu