Dagaalki Maanta ka dhacay kadib ayaa waxaa dhinacyadii dagaalamay ay sheegeen in ay maalinta bari ah soo afjari doonaan dagaalka.
Afhayeen u hadlay Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe C/naasir Seeraar ayaa sheegay Ciidamadoodu inay qaban doonaan Xaafadaha ay kaga harsanyihiin Magaalada Kooxo uu ku sheegay qaswadayaal
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Maamulka Jubbaland garabka Col Barre Hiiraale ayaa u sheegay dagaalkii Maanta ka dhacay gudaha Kismaayo inay ku qabsadeen Xaafado badan oo horay ugu sugnaayeen Ciidamadda Maamulka Axmed Madoobe.
Afhayeenka Barre Hiraale ayaa sheegay maalinta bari ah inay soo afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan Maamulka Jubbaland e Axmed Madoobe.
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Statesman-.mp3]
Idale News Online