Afhayeenka Al Shabaab oo ka hadlay joojinta Khaadka la keeni jiray Magaalada Muqdisho

0
162

Muqdisho (INO)—Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saartay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay Khaadka loo iib keeni jiray Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Dheere oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxuu sheegay in Khaadka uu yahay dhibaato heysata Umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxuu tilmaamay sidoo kale Khaadka uu yahay mid Shacabka Soomaaliyeed looga mashquulinayo in ay gaaraan horumar wanaagsan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxuu soo hadal qaaday in burburay go’aankii ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya, isagoona xusay in Khaadka haatanba Dooman lagu geeyo Magaalooyinka Gaalkacyo,Guriceel iyo Kismaayo.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Khaadka si KMG ah looga jooyay Dalka Soomaaliya.