Sheekh Cali Max’ud Raage ( Calidheere ) Afhayeenka Guud ee dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya in la dilay.
[audio:http://www.jowhar.com/images/news/calidhere.mp3|autostart=yes]Afhayeenka ayaa tibaaxay in uusan jeceleyn in wax jawaab ah uu siiyo Milatariga Kenya oo sheegtay in dileen laakiin uu ku soo dadajiyay in warkaan uu bixiyo Walaaca iyo shakiga ay dareemeen sida uu hadalka u dhigay Shacabka Soomaaliyeed.
“ Waa mid ka mid ah Beenta ay niyadda ugu qaboojiyaan shacabka Kenya ee Ilmahooda lagu soo qalday dagaalka Soomaaliya ee noloshooda ku soo halaagay dhulkeenna” ayuu Yiri Sheekh Cali Dheere.
Muddooyinkii dambe ayaa la hadal haayay Geerida Sheekh Cali Dheere kadib war ka soo baxay dowladda Kenya oo ay ku sheegtay in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay kula qaadeen Saraarkiil Sar Sare oo Al Shabaab ah Gobolkaasi Gedo.
Idale News Online, Muqdisho.