Garisa(INO)-Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa hadal argagax badan u sheegay Soomaalida ku nool gobalka Waqooyi Bari Kenya, ka dib weerar ay ka geysteen magaalada Gaarisa.
Afhayeenka Ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku milan yihiin shacabka halkaasi ku dhaqan, islamarkaana shacabka looga baahan yahay in ay hubka qaataan, hadii kale lagu dari doono safka wax uu ugu yeeray Cadowga.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay wadaan Jihaad, cid walba oo reer Kenya ah, gaar ahaan Soomaalida laga doonayo in ay la dagaalamaan ciidanka Kenya.
Hadii aan hubka la qaadan waxa uu sheegay in cid walba aan la kala sooci doonin oo weerar walba yimaada xitaa dadka Soomaalida lagu dari doono.
Waa sheeko wal wal iyo naxdin cusub ku beertay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Waqooyi Bari Kenya, lamana oga waxa ay sameyn doonaan.
Idale News Online, Garisa